Dowladda Shiinaha ayaa markii ugu horeysay Qaarada Afrika usoo dirtay Maraakiib Waaweyn oo nuuca dagaalka ah kuwaas oo la keenayo Saldhiga ay dhawaan dowladda Shiinaha ka sameysatay Gudaha dalka Jabuuti.
Dowladda Shiinaha ayaa markii hore Qaarada Afrika ka fulin jirtay mashaariic dhanka Maalgashiga ah waxana iminka muuqata in haatan ay bilaabeyso islamarkaana ay tarta ugula jirto dalalka Reer Galbeedka dhanka Meleteriga ee Qaaradaan Afrika.
Saldhiga Cusub ee dowladda shiinaha ku leedahay dalka Jabuuti ayaa waxaa dhismihiisa la bilaabay Sanadii la soo dhaafay,waxa uuna ka mid yahay Saldhigyada Ciidamada ee Ajnabiga ah ku leeyihiin Gudaha dalkaasi Jabuuti.
ujeedada ka dambeysa ayaa lagu sheegay in dowladda Shiinaha ay ka qeyb qaadan doonto waxa loogu yeero la dagaalanka Burcad Baddeeda Soomaalida iyada oo la xasuusan yahay in dhowr Markab oo ay leedahay dowladda Shiinaha laga afduubtay Xeebaha Soomaaliya.
Sawirro