Hadal-hayn xooggaan ayaa waxaa la isla dhex marayaa Tuhun ku aadan inay Dowladda Shiinaha wax ka maleegtay Tallaabadii ay Milliteriga Zimbabwe kula wareegeen Talada dalkaasi.
Wasiirka Difaaca ee  Zimbabwe ayaa la sheegay in laga yaabo inay Dowladda Shiinaha ka codsadeen inay u xaqiijitaan, ka hor intaysan ku dhaqaaqin Afgembiga ay Madaxweyne Mugabe ugala wareegeen Talada dalkaasi.
Wargeysk DAILY TELEGRAPH ee ka soo baxa London ayaa qoray inay Xeeldheerayaasha rumeysan yihiin in laga yaabo inay Dowladda Shiinaha siisay Taatikada Afgembiga Taliyaha Milliteriga ee dalka Zimbabwe, Jeneral Constantino Chiwenga, kaasi oo Shiinaha booqday, ka hor Afgembigii Zumbabwe.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Shiinaha, Geng Shuang ayaa sheegay in Socdaalka Wasiirka Gaashandhiga ee dalka Zimbabwe, Jeneral Constantino Chiwenga ku tegay Shiinaha ahayd boqoasho caadi oo ay Labada Ciiddan si joogto ah isku dhaafsadaan.
Afhayeenka oo Suxufiyiinta kula hadlayo magaalladda PEJING waxa uu tilmaamay inuusan Wasiirka Gaashandhiga Zimbabwe marnaba Saraakiisha Shiinaha kala hadlin wax qorshe ah oo ku aadan Afgembigii shalay ka dhacay dalkaasi.
Wasiirka Gaashandhiga ee dalka Zimbabwe waxa uu Barta Wasaaradiisa ee MICROBLOG soo dhigay Muu Sawiro muujinaya isaga oo dhoola-caddaynays oo ay dhigiisa dalka Shiinaha , Chang Wanquan isku salaamayaan Dhismaha Wasaradda Difaaca Shiinaha oo ku taalla Bartamaha magaalladda Pejing iyo Sawir kale oo ay Labada Wafdi wada joogaan Miiska Wada-hadalada.