Telefishinka Dowladda Msaar waxa uu saaakayto shaaciyey in Dowladda Masar loo soo gacan geliyey nIn la sheegay inuu yahay Ninka ugu sarreeya Kooxaha Argagixisadda ee dalkaasi.
Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegayHishaam Al-ashmaawi, oo loo yaqaanoAbu Cumar Al-mujaahir ayaa waxa lagu eedeynayaa inuu ka dambeeyey dhowr weerar oo ka dhacay Masar iyo Hawlgalo Khaarajin oo loo geystay Sarkaal Sare oo ka tirsan Dowladda Masar.
Diyaaradii lagu soo qaaday Eedeysanahaasi iyo nin ilaaliye u ahaan jiray oo laga soo qabtay dalka Liibiya waxaa laga dejiyey Garoonka Calaamiga ee magaalladda Qaahira.
Hishaam Al-ashmaawi Abu Cumar Al-mujaahir oo dabayaaqadii sannadkii hore lagu qabtay magaalladda Derna ee dalka Liibiya, waxa uu horey uga ahaa Sarkaal sare oo ka tirsan Ciiddanka Khaaska ee dalka Masar, wuxuuna sannadkii 2000 ka qalin jebiyey Kulliyadda Milliteriga ee dalkaasi.
Dowladda Masar waxay sheegtay inuuHishaam Al-ashmaawi Abu Cumar Al-mujaahir madax ka ahaa Shabakadda Ansaar Al-islaam, waxaana isagoo ka maqan lagu xukumay dil, kadib, markii lagu helay inuu ku lug lahaa dilkii 22 ka tirsan Askarta Ilaaladda Xuduudaha Masar oo sannadkii 2014-kii lagu dilay xuduudka Liibiya.
Soo-dhiibistiisa ayaa timid, kadib, markii uu Madaxa Hay’adda Sirdoonka Masar, Cabaas Kamaal tegay magaalladda Benqaasi ee dalka Liibiya, halkaasi oo uu kula kulmay Taliyaha Ciiddanka Bariga Liibiya, Khaliifa Xaftar.