Xoghayaha Dowladda Britain ugu qaabilsan Gaashaandhigga, Gavin Williamson ayaa sheegay in bixitaan noocaasi ah uu waxyeello ku noqonayo Guulihii ay horey u gaareen AMISOM, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu aad u bogaadiyey horumarka laga sameeyey Ammaanka Somalia, balse waxa uu ka digay haddii ay Ciiddanka AMISOM baxaan xilli hore inay taasi waxyeello xooggan ku noqonayso guulihii horey loo gaaray.
Xoghayaha Difaaca ee dalka Britain, Gavin Williamson waxa uu tilmaamay inay si xooggan u hubinayaan inaan la qaadin tallaabo ay AMISOM kaga baxayaan Somalia , tan iyo inta ay Ciiddanka Somalia ka yeelanayaan Awood ay kula wareegi karaan mas’uulliyadda Ammaanka dalkooda.
Waxa uu intaasi ku daray inay Somali wajihi karto khatar weyn, haddii AMISOM laga saaro Somalia.
Hadalkaasai ayuu sheegay wax yar kadib, markii uu maalmo ka hor uu magaalladda Muqdisho kula kulmay Taliyaha Guud ee AMISOM, Ku-xigeenkiisa iyo Saraakiil sarsare oo ka tirsan AMISOM.
Dhinaca kale, Xoghayaha Dowladda Britain ugu qaabilsan Gaashaandhigga, Gavin Williamson waxa uu sheegay inay dowladiisa ka go’an tahay inay Taageero dheeraad ah siiyaan Ciiddanka Qaranka Somalia, si loo xoojiyo Awoodooda Ciiddan.
Waxa kale oo uu tilmamaay inay doonayaan inay hubiyaan inay DFS leedahay Awooddaha muhiimka iyo Kheyraadka si ay Ciiddamo Ammaanka u geeyaan Xuduudaha Somalia.