Diyaaradaasi oo ay lahayd Shirkadda Diyaaradaha Raashiya ee Ural Airlines ayaa la sheegay inay si degdeg ah u caga-dhigatay Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Xeydar Caliyeef International Airport oo ku yaalla Caasimadda dalka Azerbajaan ee Baku.
Duulliyihii Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Airbus A321 ayaa sheegay in mid ka mid ah Rakaabka ku soo wargeliyey inuu Bam dhex yaallo Suulliga Diyaaraddaas.
Ilaa 225 qof ayaa la socday Diyaaradaasi oo ka soo duushay Casaimadda dalka Baxrayn ee Manama, kuna sii jeeday magaalladda Mosko.
Warbaahinta Gudaha ee dalka Azerbajaan ayaa sheegay inaan wax qarax ah laga helin Diyaaradaasi oo si nabad ah ugu soo degtay Garoonka.
Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi waxay su’aalo weydiiyeen Rakaabkii la socday Diyaaradaasi, iyagoo si weyn u baaray Shandadihii saarnaa Diyaaradda.
Dhacdadan ayaa timid, hal malin kadib, markii 157 qof ku geeriyodeen Diyaarad ku burburtay duleedka caasimadda Ethiopia ee Addis Abeba.