Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Maanta kormeer ku tagay Xarunta Inji oo ay ay dagaanyeen hogaankii Ahlusunna Waljamaaca, halkaas oo uu saameeyn ku yeeshay dagaal dhawaan dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwii Ahlusunna.
Madaafiic xoogan oo ku dhacday dhismeyaashii ku yaalla gudaha Xarunta ayaa sababay burbur xoogan oo soo gaaray derbiyada iyo saqaafka sare ee guryaha iyo hoolalka halkaas ku yaalla, hayeeshee waxaa haatan lagu bilaabay dib u dayactir ballaaran.
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Xarunta ay si KMG ah ugu shaqeyn doonaan Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka iyo Golaha Wasiirada Galmudug.
Xarunta Inji ayaa ka kooban dhismayaal badan oo isugu jira Goobo la jiifto iyo Hoolal lagu shiro, waxaana xusid mudan in kal kore Xaruntaas dib u dhis ugu sameeyeen Bulshadda Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.