Maxkamad ku taalla Degmadda Kawaale ee dalkaasi waxay maanta amartay in la sii daayo 17 Dhallinyaro Kenyan ah, kuwaasi oo isbuucii hore la soo xiray.
Maxkamaddu waxay sheegtay inaan la helin caddaymo muujinaya inay Eedeysanayaashaasi doonayeen inay u socdaalaan Somalia, si ay ugu biiraan Dagaalamayaasha Alshabaab.
Eedeysanayaashaasi la sii daayey oo 2 ka mid dumar ahaa waxaa isbuucii hore laga soo qabtay  guri ku yaalla Degmadda Sambuuru ee Gobalka Kawaala.
Dhallinyaradaasi oo da’dooda dhexeysay 18 jir ilaa 27 jir waxay beeniyeen Eedeymaha loo haystay, iyago osheegay inay u shaqeeyaan Shirkad diiwaan gashan.