Darawalkaan Bajaajlaha ah ayaa Caawa waxaa lagu dilay Wadada taleex gaar ahaan dhinaca Wadada Xaaji Baasto sida ay soo sheegayaan Wariyayaal Goobta tegay.
Falkaas dilka Darawalk ayaa waxaa sida la sheegay ka dambeeyay Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo ku sugan Taleex,waxana la sheegay in falkaasi ka hor labadooda uu muran dhexmaray.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Darawalka ay dhowr xabadood feeraha kaga dhaceyn isla markaana isaga oo dhaawac culus qaba loola cararay Isbitaalka Daaru-Shifaa ee Magaalada Muqdisho kadibna uu geeriyooday.
Askarigii ka dambeeyay falkaas ayaa la sheegay in durba uu Goobta ka baxsaday.