Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in guri ku yaalla degamadaas uu ka kacay dab khasaaro dhaliyay.
Guriga uu dabkan ka kacay ayaa u dhow Xarunta degmada Yaaqshiid oo ku taalla Xaafada Suuq Bacaad,waxana Goobjoogayaal ay sheegeen in uu debka dhammaan Baabi’iyay Guriga.
Sawirro laga soo qaaday ayaa muujinaya Burburka uu Guriga u geystay debka iyo in ay Gubteen Agabkii kala duwanaa ee Gurigaas yaalay.
Dadka ka Agdhow Guriga ayaa bilaabay in ay u gurmadaan Qoyskas uu Gurigooda dabka ka kacay si ay u demiyeen.
Weli lama sheegin khasaaro nafeed ee uu geystay debkaas.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.