Maamulka Hir-Shabeelle ayaa Maanta waxa uu Saraakiil ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku wareejiyay hub Jimcihii la soo dhaafay laga soo badbaadiyay Al-Shabaab kadib dagaalkii ka dhacay degmada Balcad.
Hubkaan oo u badnaa mid ka culus iyo rasaastooda ayaa Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi waxa ay kaga tageen Wadada Haansheekh ee degmada Balcad kadib weerar jidgal ah oo ay ku sameeyeen Al-Shabaab taas oo sababtay in Ciidamada AMISOM Gawaari looga gubo.
Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Saacado kadib gaaray halkii uu ka dhacay weerarka,iyaga oo Goobta ka soo qaaday hubkaas oo qaakood uu gubtay.
Goobta Maanta hubka loogu wareejinayay Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas Cali Guudlaawe Xuseen, Taliyaha qeybta 27,aad ee Ciidanka xoogga dalka Maxamuud Macalin Koronto, iyo Saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM, taliyaha Booliska Jowhar iyo masuuliyiin kale.
Dhammaan Masuuliyiintii ka socotay Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ku dhiirageliyay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya in ay siiwadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Sidoo kale saraakiishii ka socotay Ciidamada AMISOM ayaa iyana uga mahadceliyay Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo masuuliyiinta Hir-Shabeelle wadashaqeynta marwalba kala dhaxeysa.