Ciidamada Nabadsugida iyo sirdoonka qeybta Jubbaland ayaa soo bandhigay Nin ay sheegeen in mid ka mid ah Xarumaha Ciidamada maamulkaas ee Magalada Kismaayo uu xalay ku weeraray Bam Gacmeed.
Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabadsugida Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in Ninkaas markii uu weeraray mid ka mid ah Xarumaha uu isku-dayay in uu baxsado balse ciidamada Nabadsugida oo ku raad joogay ay dhaawaceen.
Waxaa ay sheegeen in Bam gacmeedkii uu tuuray ay ku dhacday meel banaan ah,isla markaana aysan geysan wax khasaaro,waxaana Ninkaas Magaciisa lagu sheegay Axmed Cabdi Cismaan,iyada oo haatan lagu dabiibayo mid ka mid ah Xarumaha Caafimadka ay Hay’addu leedahay ee Magalada Kismaayo.
1-dii Bishaan ayaa  Ciidanka Nabadsugida qeybta Jubbaland waxa ay Magalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ku soo  bandhigeyn laba Nin iyo hub ay wateen,kuwaas oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.