Wararka aan ka heleyno Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Somaliland oo ku sugnaa deegaan ka tirsan Gobolkaas saakay ay ku biireen Ciidamada dowlad Goboleedka Puntland.
Ciidamadan oo ka tirsan Guutada 93aad ee Somaliland kuna sugnaa deegaanka Ceelbuh ee Gobolka Sanaag ayaa la sheegay in ay ku biireen Ciidamada Puntland ee jooga qeybo kamid ah Gobolkaas.
Puntland ayaa sheegtay in Ciidanka Somaliland ka soo goostay ay yihiin kuwii ugu dambeeyay u joogay Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag,waxaana hogaaminayay Gaashaanle Mustafe Siciid Toor,isla markaana watay gaadiika nooca dagaalka ah.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Somaliland oo ay uga hadlayaan wararka sheegaya in Ciidankii ka joogay deegaanka Ceelbuh ay ku biireen dhanka maamulka Puntland oo dagaal adeg kala dhexeeyo.
Ciidamo ka tirsanaa Somaliland ayaa kal horey kusii beeray Puntland,waxaana Somaliland Ciidankaas sheegtay inay ahaayeen kuwa wax shaqo ah u qaban jirin maamulkooda.