Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta lagu qabtay Munaasabad lagu sagootinayay ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee Amisoom Qeybtooda Sadaxaad oo ka howlgalayay Magaalada Baydhabo.
Munaasabada ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ay ka mid ahaayeen Kusimaha Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Ahna Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Mudane Maxamed Xasan fiqi iyo Qaar Kamid Ah Golaha Wasiirada Konfur Galbeed iyo Maamulka Gobolka Baay Iyo Kan Degmada Baydhaba.
Madaxweyne ku xigeenka Mamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xasan fiqi ayaa u mahadceliyay Ciidamada Sagtarka Sadaxaad ee amisom kuwas oo mudo ka howlgalayay Magaalada Baydhabo iyo waxyaabihii ay qabteen.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu soo dhaweynayo ciidamada Cusub ee Amisom oo lagu bedelay kuwii hore u joogay Magaaalda Baydhabo islamarkaana ay la Shaqeyn doonaan.
Sawirro