Wararka laga helayo Xeebta Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay Doon kula degtay Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya.
Ciidankii la socday doonta ku degtay Xeebta Degmada Cadale ayaa waxaa la xaqiijiyay in laga soo badbaadiyay Badda, kadib markii ay heleen gurmad deg deg ah.
Doontan ayaa waxaa la tilmaamay inay sigaar ah ugu degtay meel 60 KM u jirta xeebta Degmada Cadale, isla markaana la soo badbaaday dhammaankii Ciidankii saarnaa.
Ciidanka howlgalka Atlanta ee la dagaalanka Burcad badeeda Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen Ciidamadii dowladda ee doonta kula qalibantay Xeebta Cadale.
War qoraal ah oo ka soo baxay Midowgr Yurub ayaa waxaa lagu shaaciyay in gurmad deg deg ah u sameeyeen Ciidamada, isla markaana ay badda ka soo saareen, iyagoona soo bandhigay Sawirradda Ciidamadaas.
Si kastaba dhawaan ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan Guutada 14-ka Octoober ee Ciidanka Xoogga dalka ay Doon kula degtay Xeebta Magaalada Marka xili ay ku jireen Safar dhanka Badda ah, hayeeshee inta badan la soo badbaadiyay, halka 3 kalena weli lagu la’yahay Badda.