Madaxweyne ku xigeenada Maamulada  Punlland iyo Galmudug,Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya,kan Puntland iyo Xubno ka socday Saraakiisha Beesha Caalamka ayaa Maanta tababar u soo xiray Ciidamo isku dhaf ah oo ka shaqayn dooona amaanka Gaalkacyo,kuwaaso ah ilaa boqol Askari.
Tababarkan oo soconayay Muddo 20 Cisho ah ayaa waxaa bixinayay Tababarayaal Caalami ah,waxaana Boqolkan askari lagu barayay sida ay samayn lahaayen howlgalo lagu xaqiijinayo Amaanka Gaalkacyo,sida uu warbaahinta u sheegay Jen. C/qaadir Shire Faarax (Erag) Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland.
Madashan tababarka lagu soo gabagabaynayay Ciidamo ka tirsan Galmudug iyo Puntland waxaa goob joog ahaa Qaybaha kala duwan ee Bulshada oo madaxda heer Degmo ay u sharaxeen sida ay magaalada ugu wada howlgalayaan ciidamadan isku dhafka ah.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) ayaa sheegay in Ciidamadan tababarka loo soo xiray ay qayb lixaad leh ka qaadanayaan xalinta dhibaato dhinaca Nabadgalayda ah oo Sanadihii ugu danbeeyay uur ku taalo ku ahayd Shacabka ku wada Nool  Magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Punltnad Eng. C/xakiin C/laahi Xaaji Cumer (camay) ayaa sheegay in ciidamada qalabayntooda iyo siinta xaqooda laga rabo inay iska kaashadaan Dowlada Federalka Soomaaliya,beesha caalamka iyo Maamulada labada Ciidan,wuxuuna xusay maadama ay Puntland ka dhaqaale fiicantahay Galmudug in ay iyagu bixinayaan Mushaarka Saddexda bilood ee ugu horeeya ee ciidamadan isku dhafka ah.
Dhinaca kale,Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa sheegay in Dowlada Federalka Soomaaliya ay garab istaagayso inta tabartooda ah,isagoona sheegay in todobaadyada so socda la soO Â dhamaystiridoono agabyadii ay ku shaqayn lahaayen.
Ugu Danbayntii,Ciidamadan isku dhafka ah oo ka kooban Boqol askari oo laga kala keenay si siman Maamuladda Galmudug iyo Puntland ayaa la rajaynaya in wax ka badalaan amaanka magaalada Gaalkacyo,taaso noqotay kawaankii Dadkii indhaha u ahaa Soomaaliya.
DHAMAAD
Sawirro