Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magaalada Baladweyne,waxana howlgalkaas lagu soo qabtay qaraxyo iyo dadkii watay sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.
Howlgalkaas ayaa intiisa badan waxaa laga sameeyay Xaafada Buundaweyn ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaana uu ahaa mid qorsheysan.
Abaaduulaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, qaybta Gobolka Hiiraan Isaaq Idiris Cismaan ayaa ayaa soo bandhigay 13 qof ee howlgalka lagu soo qabtay Gaariga ay ku raran yihiin Biraha laga sameeyo waxyaabaha qarxa iyo hubka,waxa uuna sheegay in dadkaas baaritaan lagu sameyn doono.
Waxa uu sheegay in dadkaan haatan ay baaritaano ku sameynayaan.Saraakiisha ciidamda dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in howlgal ay ka sameeyeen Xaafada Buundoweyn ay ku soo qabteen 13 Ruux oo looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab Gaari ay ka buuxaan Birihii qaraxyada laga sameynayay iyo Hub.
Sidoo kale shir Jaraa’id ee uu qabtay ayaa waxa uu ku sheegay in Ciidamadu ay qabten Nin isku soo xiray waxyabaha qarxa kaas oo ay ku guuleysteen in ay ka furfuran.
Hoos Ka dhageyso shirka Jaraa’id ee Taliyaha oo dhameystiran iyo Sawirrada.