Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa dhaqdhaqaaqyo Ciidan iyo howgallo waxay ka wadaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Jubbooyinka.
Ciidanka, ayaa goobaha ay Howlgalka ka wadaan waxaa kamid ah, Jammaame, Kaban iyo Kamsuuma, waxaana Saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in ay bur buriyeen Saldhigyo ee Alshabaab deegaanadaasi ku lahaayeen.
Waxay gacanta kusoo dhigeen Ciidanka Kumaadooska Danab kudhawaad 20 qof oo la xiriirinayo inay ka mid yihiin Alshabaab, iyaggoo baaris ku wada, si loo kala saaro.
Taliyaha qeybta 43Aad ee ciidanka xoogga dalka general Ismaaciil Saxardiid oo la haday Idaacadda Codka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa sheegay in howlgalada ay si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka gaarka ah ee Danab oo gacan ka helaya Kuwa Mareykanka.
Taliyaha, ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka ay ku guuleesteen in ay bur buriyaan goobo Alshabaab ay ku dhibaateen jireen dadka shacabka ah ee Sooman.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Howlgalka Ciidamada DANAB.