Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Munaasabadda furitaanka Kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Munaasabadda ayaa furitaanka Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa qeyb galay Xildhibano tirro yar, Wasiiro ka tirsan Hirshabeelle iyo Marti sharaf kale.
Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa si rasmi ah u furay Kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamanka Hirshabeelle, isagoona Khudbad ka jeediyay Munaasabadda.
Cali Guudlaawe ayaa Cod dheer ugu baaqay Bulshada kunool deegaanada Hirshabeelle inay u istaagaan Gurmadka dadka ku dhibaateysan Magaalada Baladweyne, kuwaasi oo uu saameeyay Fatahaada Wabiga Shabeelle.
 “Waa in aan Gurmad deg deg ah La gaarna dadkeena ay saameeyeen Musiibooyinka ka jira Baladweyne ee geedaha iyo Guryaha dulsaaran waana inaan xanuunka la qeybsana Dadkeena 33 Gurmadka haloo wada istaago” ayuu yiri Cali Guudlaawe.
Ugu dambeyntii Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku baaqay Gurmad Heer Caalami ah, maadama Musiibada jirta ay ka wayn tahay heer Dowlad Goboleed iyo Heer Qaran Hay’adaha Caalamiga ahna ay Dadka Gurmad lasoo gaaraan.
Si kastaba maalmo kahor Guddiga Joogtada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay in muddo 10-maalmood dib loo dhigayo furitaanka Kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka, hayeeshee Maanta ayaa la daah-furay.