Xubno katirsan Dowlada Federalka iyo Duubabka dhaqanka iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay Soo dhaweyn Muqdisho loogu sameeyay Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Soo dhaweynta Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa qayb ka ahaa fardo iyo ciyaar dhaqameed uu boqorku aad uga helay.
Mowlaca Macalin Nuur ayaa lagu qabtay Kulankan soo dhaweynta waxaana soo Agaasimay mu’asasada macalin Nuur.
Ujeedka ayaa ahaa soo dhaweynta Boqol Burhaan Boqola oo ah boqorka beelaha daarood oo isaga iyo Odayaal kale ay booqasho ku joogaan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Xubno katirsan Baarlamaanka Federalka aqoonyahano iyo duubabka dhaqanka ayaa qeyb ka ahaa Kulanka kuwaas oo dhammaantood si diirran usoo dhaweeyey Boqor Burhaan iyo waxgaradka wehlinaya,waxaana sheegeen in muhiimad gaara uu leeyahay kulanka soo dhaweynta ah ee manta muqdisho ay ugu sameeyeen.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad,Xaaji Cali Ugaas Cabdulle iyo xubna kale oo ku hadlay afka duubabka dhaqanka ee soo dhaweynta diirran u sameyey Boqor Burhaan ayaa waxaa ay sheegeen in boqorka ay ku maamuuseen si maqaam sare leh oo ah dhaqan soo jireen ah oo ah hab maamuuska dhaqanka Soomaaliyeed farxad gooni ahna ay u tahay soo dhaweyntiisa.
Qaar kamid ah wafdiga Boqorka ee soo dhaweyntan loo sameeyay ayaa kamahadceliyay Kulanka iyo soo dhaweynta maanta muqdisho ay ugu sameeyeen masuuliyiinta kala duwan iyagoona sheegay in Boqor Burhaan uu yahay nin wax badan ka qabtay heshiisiinta Soomaali weyn.
Imaam Maxamed Yuusuf ayaa gaba gabadii Kulanka kahadlay wuxuuna boqor Burhaan uu ku sifeeyey halyeey dad badan ay ku daydaan.
Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa uu sheegay inuu la kulmay maamuus wanaagsan oo uu uga mahadcelinayo dhammaan soo qaban-qaabiyayaashii kulanka lagusoo dhaweynayey.
 Daawo Sawirada Soo dhaweeynta.