Shabakadda Wararka ee AMISOM ayaa qortay inay Taliska AMISOM ku wareejiyeen Taliska Saree e Ciiddanka Somalia Qalab isugu jiray kuwa Xafiisyadda, Kombiyuutaro, Kaamerooyin, qalabka lagu ogaado Faraha dadka Dembiilayaasha iyo qalab kale.
Deeqdaasi ayaa la sheegay inay Ciiddanka Boliska ka taageeri doono xaqiijiyiinta Adeegyadda ay u hayaan Bulshadda Deegaanka, waxaana Qalabkaasi loo qeybin doonaa qeybaha kala duwan ee Boliska.
Wararku wxaay sheegayaan inay Dowladda Japan bixisay kharajka lagu soo iibiyey Qalabka maanta lagu wareejiyey Boliska.
Taliye-ku-xigeenka Boliska Somalia, Zakiya Xuseen waxay Taliska AMISOM uga mahad celisay Deeqdaasi, waxayna ballan qaaday in Qeybaha Ciiddanka Boliska la wada gaarsiin doono Deeqdaasi oo muhiim u ah Hawl-maalmeedka ay Boliska u hayaan Ummadda Soomaliyeed.
Dhinaca kale, Xiriirka Boliska AMISOM ee Isbedelka iyo Dib-u-qaabaynta, Makswell Jikunguru oo qalabkaasi waxa uu sheegay inay AMISOM ka go’an tahay tababarida iyo dib-u-habaynta Ciiddanka Boliska Somalia.
Munaasabadda qalabkaasi lagu wareejinayey waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiil sarsare oo ka socday AMISOM, oo uu ka mid ahaa Xiriiriyaha AMISOM ee Hawlgalladda Boliska, Danyel Cali Gawambal iyo Sarkaalka AMISOM ugu qaabilsan Arrimaha Rayidka, Kiristoofar Ogwanga Ariya.