Boliska dalkaasi ayaa la sheegay inay adeegsadeen sunta dadka ka ilmiyeysiisa, isku-day ay ku doonayeen inay ku xakameeyaan Kumanaan qof oo isku dayey inay   xoog ku galaan Garoonka Kasaraani oo ay ka dhacayso Munaasabadda lagu caleemo-saarayo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.
Dhinaca kale, Boliska waxay kaloo sunta  dadka ka ilmeysiisa ku kala eryeen Taageerayaasha Hoggaamiyaha Mucaaradka, Raila Odinga oo iyaga qorsheynaya inay Kulan kale ku qabsadaan, balse laga horjoogsaday inay gaaraan goobta ay ku shiri lahaayeen.
War haatan soo dhacay ayaa sheegaya in Bolis badan oo wata Gawaarida Gaashaman la dhigay afaafka hore ee Dhismo uu deggan yahay Xildhibaan ka tirsan Mucaaradka Isbahaysiga NASA.
Wargeyska Nation ayaa qoray in Ciiddankaasi la dhigay guriga Xildhibaan Simba Arati oo ku yaalla Xaafadda Kileleshwa ee magaalladda Nairobi.
Xildhibaanka ayaa sheegay inay Ciiddanka raadinayaan dhamaan gaadiidka soo galaya ama ka baxaya gurigiisa.
Tallaabadan ayaa timid, iyadoo Madaxda iyo Taageerayaasha Isbahaysiga NASA doonayaan inay Munaasabad Baroor-diiq ah ku dhigtaan Dhulka Jacarand ee Embakasi.
- C/qaadir Jakarta