Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader), ayaa maanta magaalladda Muqdishu ka furay shir looga hadlayay dakhliga iyo dhaqaallaha Soomaaliya, kaas oo uu soo qaban-qaabiyay Bankiga Adduunka.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasiirka Ganacsiga, Agaasimaha Guud ee Maaliyada, Shirkadaha Ganacsiga, xubno ka socday gobolka Banaadir, Jaamacadaha dalka iyo madax ka socotay Bankiga dhaxe.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ayaa sheegay in isbedel uu ku dhacay kobaca dhaqaallaha dalka, waxa uuna caddeeyay in sanooyinkii danbe la dareemayay koror dhaqaalle, taasina wuxuu u sababeeyay sida ay u wada shaqeynayaan ganacsatada iyo dawladda dhaxe, balse waxa uu tilmaamay in aan wali la gaarin meeshii loo baahnaa.
Mudane Mahdi, ayaa tilmaamay in Ganacsiga Soomaaliya intiisa badan uu yahay mid ku tiirsan dalka dibadiisa, waxuuna sheegay in xukuumada ay samaynayso siyaasad ay ku kordhinayso dakhliga iyo dhaqaallaha dalka, iyada oo aan la kordhin canshuurta, balse shacabka Soomaaliyeed ayuu u soo jeediyay in ay bixiyaan canshuuraha si dawladu ay u fuliso adeegyada bulshada dalkuna uu horumar u gaaro.
“Sharciga canshuur bixinta Soomaaliya waa mid gaboobay, waxayna u badan tahay in dib loo eego si loola jaan qaado caalamkaâ€. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.
“Dakhliga waara ee gudaha ee lagu kalsoonyahay waxaa uu muhiim u yahay Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliya. Xukuumadda cusub ayaa durba ka shaqeeysay in la dhiso awoodda sharci iyo mida farsamo ee dakhliga”, ayuu yiri Hugh Riddell, Wakiilka Baanka Adduunka ee Soomaaliya.
Warbixin meela badan ka eegeysa dhaqallaha Soomaaliya oo ay soo bandhigeen kooxda Baanka Adduunka, ayaa waxaa ay muujineysay dar-darka dhaqaalle ee Soomaaliya iyo meelaha dowladda ay ka heleyso inta badan dhaqaallaha.
Magaalladda Muqdisho, ayeey warbixinta caddeeyay in ay tahay meelaha ugu badan ee dowladda ay ka hesho canshuuraha.
 Sawirro