Qeybo ka mid ah Muqdisho waxaa Maanta ruxay banaanbaxayaal ay dhigayeen dad ka Ceresnaa xukun Maanta mrkale Maxkamada sare ee ciidamada Qlabka sida ku ridday Ninkii ka dambeeyay Wasiirkii howlaha Guud iyo Guryenta Soomaaliya Cabaas Sheekh Siraaji.
Banaanbaxayaasha ayaa Socod ka soo bilaabay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ee Magaald muqdisho,iyaga oo dadka iyo Gaadiidka u diidayay in ay Wadada isticmaalan,
Banaanbaxayaasha ayaa Taayaro  ku gubayay Wadada dhexdeeda,waxana ugu dambeyn y soo gaareen Wadada Maka-Almukarama,iyaga oo sidoo kale mudo Daqiiqado ah Wadada xiray silamid ah tii Warshadaha.
Ugu dambeyn ciidamada xasilinta Amniga Muqdisho iyo kuwo ka tirsan Ciidamada Booliiska ayaa kala eryay banaanbaxyaasha halka qaarkood ay xireen.
Sawirro