Banaanbax looga soo horjeedo qaraxii ismiidaaminta ahaa eek a dhacay isgooyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalaa Muqdisho ayaa haatan ka socda xeraa tababarka ciidamada Booliiska ee Jenaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.
Banaanbaxa oo horay uu u iclaamiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeybgelaya boqolaal shacab ah oo laga kala keenay demooyinka gobolka Banaadir si ay u muujiyaan shucuurtooda ku aaddan sida ay uga xunyihiin qaraxaas ay dadka shacabka ah ku geeiyoodeen.
Dhinaa kalana masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa goobjoog ka ah banaanbaxa iyaga oo jeedin doona hadalo ku aaddan weerarada Alshabaab iyo tallaaboyinka looga baahanyahay shacabka magaalada Muqdisho in ay qaadaan.
Bananbaxayaasha ayaa madaxa ku xirtay mara gaduudan oo ay ku muujinayaan mashaqada dhacday,iyada oo boorarka banaanxana lagu hardhay erayo lagu diidanyahay Alshabaab iyo in ay shaabku soo sheegaan hadii ay arkaan wax ay ka shakiyaan.