Magalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan waxaa maanta ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo dilkii Maxamed Maxamuud Sheekh Cali oo ahaa Hal-Abuure Ganacsi,isla markaana madax ka ahaa Shirkadda Startup Grind.
Shacab farabadan oo isugu jira saaxiibadiisii gaarka ahaa,eheladiisa iyo dadweyne kale ayaa isugu soo baxay goobtii lagu dilay ee  Barxadda Baarka Spaghetti House oo ku taalla meel ku dhow Isbitaalka Banaadir ee magaalladda Muqdisho.
Dadka banaanbaxa dhigayey ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin,Maxaa loo dilay Maxamed Maxamuud Sheekh Cali iyo Erayo kale.
Qaar ka mid banaanbaxayasha oo goobta ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin dilkii loo geystay Maxamed Maxamuud Sheekh Cali oo ahaa Nin dhalinyaro ah,isla markaana ahaa qofkii ugu horreeyey ee adeegga dhaqidda qallalan ee dharka ee af ingiriiska lagu yiraahdo dry cleaning dalka keena.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ugu baaqeen in mudo 72 saac gudahood ah ay jawaab deg deg ah ka bixiyaan dilkaas,sidoo kalena ay cadaalada horkeenaan dadkii ka  dambeeyey dilkaas.
Dhammaan dadkii banaanbaxa ka qeyb galay ayaa waxa ay sheegeen in ay tahay wax laga xumaado in maalin walba la dilo dadka indhaha u ah bulshada gaar ahaan Dhalinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood dalka ka hirgeliyey Ganacsi Shaqa abuur u sameeyey dhalinyaro badan.
Sidoo kale banaanbaxa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyaha Maamulka degmada Hodan iyo mas’uuliyiin kale.
Hoos Ka Daawo qaar ka mid ah sawirada Banaanbaxa.