Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya ayaa caawa casho sharaf u sameeyey qaar ka kamid ah xildhibaanada Soomaalida ee Baarlamaanka dalka kenya oo uu hogaaminayay mudane Aden Duale Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya.
Sidoo kale kulankan casho sharafta waxaa ka qeybgaley Wasiirkii hore ee gaashaandhiga ahna xildhibaanka aqalka senatka ee Gaarisa Yuusuf Xaaji , Prof Maxamed Cabdi Gaandi , Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka tirsan Aqalka golaha shacabka ee Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Yaasiin Xaaji Jaamac oo ah Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo Warshadaha ee Jubbaland.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka.