Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Jubbaland.
Kulanka Cashada ahaa ayaa waxaa ku sugnaa Guddoonka labaad ee Baarlamaanka Jubbaland iyo inta badan Xildhibaanada ee dhawaan lagu doortay Magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa Xildhibaanada iyo Guddoonka Baarlamaanka kala hadlay sidii ay u dhici laheyn Doorashada Madaxweynaha Jubbaland,isla markaana waxaa uu kula dardaarmay inay si hufan Xildhibaanada u gutaan Waajibaadkooda shaqo.
Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa Markii Saddexaad doonaya inuu noqdo Madaxweynaha Jubbaland,waxaana Doorashada lagu wadaa inay dhacdo 22-ka Bishan oo ku beegan maalinta Berri ah.
Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa siweyn loo adkeeyay,waxaan Magaalada laga xiray Cirka,dhulka iyo Badda,iyadoona heegan la geliyay Ciidamada maamulka Jubbaland.