Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta ka furmay shir looga hadlay dardargelinta sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay ka maamulan gobolada Jubbooyinka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee SoAxmed Maxamed Islaam ayaa maanta shirkaasi furay waxana uu socon doona mudo sadex maalmood ah iyada oo lagu gorfayn doono inta uu la egyahay diyaar garowga dhinacyada kala duwan iyo sidii dib u habayn loogu samayn lahaa hananka howlgalkan.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Goobta ka sheegay in laga maarmasn tahay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.