Eedeysanayaal Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle iyo Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale ayaa loo heystaa in ay dileen Marxuumiin Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmedรย oo si wada jir ah ugu safrayay waddada agfooye taarikhduรย markey aheyd 25-ka bishaii 9-aadรย Sanadii 2018.
Eedeysanayaalรย Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle iyo Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale ayaa dhigtay jid-gooyo ay kaga qaadaan baad shacabka ku safraya wadada dheer ee Afgooye, Marxuumiin Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed ayaa ahaa wadaha gaariga iyo qof dhinac fadhiyay, waxaanaรย wadaha gaariga lagu amray in uu bixiyo baad oo markii hore ku cusleyd balseรย Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale uu amray in uusan dhaqaaqi Karin ilaa uu ka bixiyo lacagta laga rabo, waxa uu goรขโฌโขaansaday wadihii gaariga in uu isfurto laakiin Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle oo ahaa shaqsiga sida gaarka ah gaariga u hortaagnaa ee weydiiyay baadda ayaaรย sabab u noqday xabad uu riday in ay iskuรย martoรย labada marxuum taasi oo ay ka dhalatay geeridooda.
Isla xilligaas ayaa laga soo qabtay goobta dilka ka dhacayรย kadib markii ay dadka shacabka ee ku dhaqan deeganadaasi ku war-geliyaaan ciidamada amniga in labada eedeysane ee dil geysteen, waxaana laba cishaรย kadibรย lagu wareejiyay heyรขโฌโขadda dambi baarista Boliiska CID.
Xilligaasi wixii ka dambeeyay ayaa lagu soo wareejiyay kiiskaรย Xafiiskaรย รย รย รย รย รย Xeer-Ilaalinta, waxaana 1-10-aad 2018รย loo gudbiyay xabsia dhexe garsuga ahaan.
Muddo kadib baaristooda ayay xafiiska weydiisteen garsoorkaรย 2-dii bishii 1-aad ee sanadkanรย ayaa loo ballamay dhageysiaรย dacwaddaรย waxaana maaalin kadib lagu ballamay dhageysigaรย dhinacyada Maxkamadda.
Fadhiga hore ayaaรย ku filnaan waayay dhageysiga dacwadda, waxaana markale la muddeeyay 8-deediiรย bishanรย 1-aadรย iyadoo 2 cisha kadib lagu ballamay fadhi kale.
Xafiiska xeer ilaalinta ayaa soo bandhiga markaatiyaal wax laga weydiiyayรย dhibaatadii dhacday, waxa aynaรย sheegeen dadkii ka hor hadlay fadhiga maxamadda in laba eedeysane midkood uu amray in uusan dhaqaaqin gaariga inta ay bixinayaan baad ay ka doonayeen, markii arrintaas timid ayaa darawalka gaarigaรย garowsaday in uu iska bixiyo waxa laga rabo si noloshiisa uu bad-baadiyo.
Nasiib xumoรย eedeysane Xasan Maxamed Cabdulle ayaa goรขโฌโขaansaday in uu nolosha u aqoonsado darawalka gaariga iyo qof rakaabka kamid ah oo dhiniciisa fadhiyay.
Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku doodayรย in aysan qaban qof bixiyay baaddii laga rabay oo dambi kale aheyd in nolosha la dhaafiyo taasi ooรย muujineysaรย in Xasan Maxamed Cabdulle uu u bareeray daadinta dhiigga labada muwaadin.
Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale ayaa isaga ahaa caawiye,รย Sidoo kale lahaa qoriga dhacca lagu geystay, waxaana dadka markaatiyaasha ah sheegeen in uu bixiyay amarka ah in gaariga uusan dhaqaaqi Karin ilaa uu ka bixinayo baadda laga rabay.
Qareenada u dooday laba eedeysane ayaa ku dooday in loo naxariisto loona fududeeyoรย ciqaabta labada eedeysane oo ay iska bixiyaan magta marxuumiinta.
Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ayaa u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda inรย Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay waxa ayna maxkmadda ku xukuntay dil toogashaรย ah oo ah qisaasta marxuumiintaรย Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmedรย รย halkaรย Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale lagu xukumay sideed sano oo xabsi ciidan ah.
Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ayรย ku dalban karaan rafcaan hadii aysan ku qancin xukunka maxkamadda darajada koowaad.