Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Gaadiidka Ciidamada AMISOM ay jiireen dhowr ka mid ah Mootooyinka Bajaajta ee ka Shaqeeya Muqdishi.
Falkan ayaa  Gabaldhicii Caawa ka dhacay suuqa Wey nee degmada Wadajir,waxana Gawaarida AMISOM ay dardareen ilaa Saddex Mootooyinka Bajaajka ah,sida ay sheegeen dad ku sugan degmada Wadajir.
Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in Gaadiidka AMISOm wax khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah aysan geysan balse ay bur bureen mootooyinka Bajaajka ah oo ay jiireen.
Goobta falka uu ka dhacay ayaa ah meel mashquul badan,isla markaana ku aadan qeybta laga galo suuqa Dharka lagu iibiyo ee degmada Wadajir.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.