Waxaa Maanta oo Jimca ah si buuxda loogu wareejiyay nabad gelyada Magaalada Dhuusamareeb Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Munaasabadda amni wareejinta ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka amniga gudaha , Maxamed Abukar Islow Ducaale iyo mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug , Xildhibaanno heer Federaal ah iyo Guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa waxa uu sheegay in howlaha Galmudug ay hadda marayaan meel wanaagsan, muddo Afartan Cisho ahna loo fadhiyay.
Wasiirka Wasaarada amniga gudaha Soomaaliya Mudane ; Maxamed Abukar Islow (Ducaale), ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya amniga Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ay si buuxda ula wareegtay.
Sh Maxamed Shaakir Cali Xassan ,Madaxa Golaha Wasiirrada Galmudug , ayaa isna sheegay in Ciidanka amniga sugaya maahane kuwa kale la geyn doono goobo loogu talagalay, si aysan u dhicin is bar-bar yaac , wax walba oo quseeya amniga Caasimadana looga dambaynayo hay’adaha amniga
Soomaaliya.
Dr; C/raxmaan C/llaahi Baaddiyow, Â oo ka mid ah Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug, ayaa isan goobta ka sheegay inay sugayaan eragadii ka qaybgalaysay Shirka, wuxuuna ugu baaqay in ay yimaaddaan Magaalada Dhusamareb.
Xildhibaan; Mahad Maxamed Salaad , ayaa sheegay inay qaadanayaan doorkooda ku aaddan Dhismaha Galmudug, maaddaama degaannada Galmudug laga isaga laga soo doortay.
Galmudug ayaa isu diyaarinaysa dhismaha maamul loo dhan yahay , waxaana hadda soconaya qaban-qaabadii ugu dambaysay.