Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee Maanta waxa ay degmada Jilib ee Gobolka jubbada Dhexe ku soo bandhigeen laba Askari oo ay sheegeen in ay isku soo dhiibeen dhankooda.
Al-Shabaab ayaa Baraha ay Internet-ka ku leeyihiin ku faafiyay laba Askari oo xiran Tuutaha ciidanka oo ay ku sheegeen in ay horay uga mid ahaayeen Ciidamada Jubbaland balse ay haatan isaga soo baxeen.
Labadaan Nin oo ay Al-Shabaab soo bandhigeen ayay Magacyadooda waxa ay ku kala sheegeen Isaaq Ibraahim Gurbaaniyo oo ahaa Madaxii Saadka Ciidamada Jubbaland ee Buulo Gaduud iyo  Xuseen Aadan Ibraahim oo ay ku tilmaameen dagaal geliye.
Sawirro