Al-Shabaab ayaa Gudaha degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud wax ay ku soo bandhigeen Saddex Askari oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Ciidamada dowladda Soomaaliya balse ay isku soo dhiibeen Al-Shabaab.
Sawirro Muujinaya Saddexda Askari oo ku labisan dareeska ciidanka iyaga oo wata hubkooda ayay ku soo bandhigeen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka.
Al-Shabaab ayaa sidoo kle waxa ay sheegeen in Saddexdan Askari uu mid ka mid ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Sikastaba arrintaan ayaa ku soo aadaysa xili Maanta masuuliyiin ka tirsan Wasaardda Amniga Koonfur Galbeed Soomaliya ay sheegeen in ay isku soo dhiibeen rag ka tirsan Shabaab oo watay mid ka mid ah Gaadiidka dagaalka.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.