Agaasimaha guud ee HSJ oo howlo shaqo u jooga dalka Switzerland iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas ayaa kulan la qaatey wasaarada arimaha dibadda iyo laanta socdaalka Switzerland.
Kulanka oo ka dhacey magaalada Bern ee caasimadda Switzerland ayaa ku saabsanaa hagaajinta xariirka socdaalka iyo baasaboorka Soomaaliya, agaasimaha guud ayaa ka warbixiyey arimaha socdaalka iyo baasaboorka, isaga oo ka jawaabey su’aalo dhinaca Switzerland ay ka qabeen baasaboorka Soomaaliya.
Saraakiisha mataleysey Switzerland ayaa balan qaadey in ay si dhab ah oo deg deg ah uga shaqeyn doonaan qodobada laga wadahadley, iyada oo lagu balamey kulamo kale oo dhameystir ah.
Wafdiga Soomaaliya ayaa booqdey xaruunta baarlamaanka Switzerland, iyaga oo arkey isla markaana dhageystey taariikhda habka federaalka dalka Switzerland oo dhinacyo badan uga eg kan Soomaaliya ay qaadatey.
Sawirro