Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas qaran oo deegaanka Toon oo dhinaca Koonfureed kaga beegan Caasimadda Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo shalay geeriyooday.
Aaska qaran ee loo sameeyey marxuum xildhibaan Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo kamid ahaa haldoorka iyo tiir-dhexaadka ugu miisaanka culus Somaliland iyo guud ahaan deegaannada Soomaalidu degto, ayaa waxa ka qayb-galay inta badan haldoorka magaca iyo maamuuska ku leh Somaliland iyo guud ahaanba bulshada afka Soomaaliga ku hadasha, madax-dhaqameed, garaaddo, salaadiin, ganacsato, siyaasiyiin iyo shacab tiro badan.
Dadkii ka qeyb galay Aaska marxuumka ayaa Alle uga baryay in Janatur Firdowa ka waraabiyo,iyagoona dhammaantood si isku mid ah u sharraxay kaalintii sucda lahayd ee uu marxuumka Xaaji Cabdikariin soo qaatay.
 “Xaaji Cabdi taariikhdiisa daqiiqado laguma soo koobi karo, wixii Af Soomaali yaqaannaana waa wada og yihiin, ajanabiga Soomaalida la shaqeeya ee yaqaannaana waa og yihiin oo taariikhdiisa qoraal iyo muuqaalba waa lagu hayaa, Ilaahayna waxaynu ugu rajaynayaa inuu qabriga u nuuro, jannadii Firdowsana ka waraabiyo.â€ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Marxuum Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo cimrigiisa lagu qiyaasay in kabadan 120 (boqol iyo labaatan) sano, ayaa xubin ka ahaa Golaha guurtida Somaliland,iyada oo dadka maanta Aaskiisa ka qaybgalay uu kamid ahaa madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), madaxweyne-ku-xigeenno hore.