Allaha u Nxariistee waxaa Maanta lagu aasay Gudaha Isbitaalka madiina ee magaalada Muqdisho Aabaha dhalay gudoomiyaha Maxmada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo xalay lagu dilay Muqdisho.
Marxuum Cali Nuur Shuute ayaa waxaa aaskiisa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya Bulshada ku nool badi gobolka Banadir iyo ehelada Marxuumka.
Dhammaan dadkii ka qeybgalay aaska ayaa Eebe uga baryay in uu janadii Fardowso aheyd ka waraabiyo maadaama sida ay sheegen in dishay Gacan ka gardaran.
Xalay xiligii Salaada maqrib ayaa Marxuum Cali Nuur Shuute waxa ay kooxo hubeysan ku dileen afaafka hore ee gurigiisa oo ku yaalla Xaafada Suuq Boocle ee degamda Dharkenley,waxaana dilkiisa sheegtay Al-Shabaab.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Aaska.