Boliska magaalladda New York ayaa sheegay inuu Ninkaasi gaariga jiirsiiyey dad baaskiilo watay iyo kuwo ku lugaynayey waddada dhinaceeda ee Webiga Hudson ee magaalladda New York, waxaana halkaasi ku geeriyootay 8 qof, halka Tobanaan kalena ku dhaawacmeen.
Ninka weerarka geystay oo ka soo jeeda dalka USBAKISTAN waxaa magaciisa lagu sheegaySayful Sayaboof, kaasi oo 29-jir ah.
Boliska Maraykanka waxay sheegeen inay Dareewalkaasi  ka toogteen Caloosha, laguna daaweynayo Isbitaal ku yaalla New York.
Telefishinka CNN iyo Wargeyska The New York Times ayaa soo weriyey inay Baarayaasha ka heleen gaariga dhexdiisa qoraal muujinaya inuu Eedeysanaha weerarkaasi geystay isagoo huwan magaca Kooxda Daacish.