Shil geestay khasaaro kala duwan ayaa ka dhacay duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug shilkaas oo sababay dhaawaca laba kamid ah dhalinyaro saarneed gaariga Shilka galay.
Shilka ayaa ka dhacay deegaanka Daaru-Salaam ee duleedka Gaalkacyo,waxana dhaawac soo gaaray Faysal Xabeeb Jaamac Iyo Yoonis Maxamed Shaare,oo ahaa dhalinyaradii wadatay Gaariga Shilka galay kuwaas oo hada lala tacaalayo xaaladooda Caafimaad.
Weli lama cadeen waxa sababay shilkaas waxaana la arkayay Burbur soo gaaray Gaariga oo gebi ahaanba rogmaday,waxana Goobta Gaaray dhalinyaro kale oo reer Gaalkacyo ah kuwaas oo gurmad u sameeyay ragii shilka galay.
Sawiro