Saraakiil ka tirsan ciidamada Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in dagaal Buuraha Galgala ku dhex maray Ciidamada Puntland iyo kuwa Al-Shabaab ay ku qabteen Maxaabiis Al-Shabaab ah.
Saraakiisha ayaa waxa kaloo ay sheegen in Maalinta Berito ah ay Saxafada u soo bandhigi doonaan Maxaabiis farabadan oo ay kaga qabteen dagaalkii ay la galeen Al-Shabaab,kuwaas oo kas oo weerar tagay Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.
Weli Saraakiisha Puntland ma shaacin tirada uga dhimatay weerarkii ay Al-Shabaab ku soo qaen Fariisinkii Ciidamada Puntland ee deegaanka Af-urur halka Al-Shabaab ay sheegteen in ay dileen in ka badan 61 Askari Gawaarina ay ka qabsadeen Ciidamada Puntland.
Xaalada Goobihii lagu dagaalamay ayaa waxaa caawa laga dareemayaa jawi ka duwan kii xalay,waxaana jira dhaqdahqaaqyo ay wadan ciidamada Puntland.
Sawiro