Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug waxaa Maanta gaaray Xildhibaano ka tirsan kuwa Federaalka Soomaaliya gaar ahan kuwa laga soo doortay deegaanada Galmudug.
Xildhibaanada qaarkood oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay halkasi u tageen xalinta xiisada Siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Cadaado taas oo sababtay in Xildhibaanada Galmudug qaarkood ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Madaxweyne Xaaf.
Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya Cadaado ayaa waxa ay sheegayan in haatan Madaxtyooyada Galmudug ay ku shirsan yihiin Xildhibaanada Federaalka ee halkasi tegay iyo Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
In kastoo Xukuumadda Soomaaliya ay Xildhibaanada ku taageertay Go’aankii ay xilka u qaaden Xaaf ayaa hadana waxaa socda kulamo xal looga gaarayo xiisadaas.