Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Howlshaha Guud iyo dib-udhiska xukuumadda Soomaaliya Eng Saadaq Cabdullsahi Cabdi.
Wafdiga ayaa waxaa Jowhar ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen madaxweynaha Hir-Shabeelle, Gudoomiyaha Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe,,Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Maamulkaas.
Intaasi kadib Wafdiga uu Wasiirka hogaaminayay ayaa waxa ay Xarunta Madaxtooyada Hir-Shabeelle ee Jowhar kulan kula qaateen Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare,iyaga oo ka wada hadlay sidii dib-udhis loogu sameyn lahaa Xarumaha dowladda iyo Wadooyinka intaba.
Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska soomaaliya Eng Saadaq Cabdullahi Cabdi ayaa ujeedka safarkooda ku sheegay qiimeyn lagu sameyn doono baahiyaha ay qaban Shacabka iyo sidii ay iskaashi ula sameyn lahaayeen Wasaaradda Howlaha guud ee Maamulka Hir-Shabeelle.
Hoos Ka Daawo Sawirada Soo dhaweynta Wafdiga.