Waxaa weli xabbado goos-goos ah laga maqlayaa nawaaxiga Hotelka Dayax oo ay Dagaalyahano Alshabaab saakayto weerareen.
Waxaana la sheegay inay jiraan maydad iyo dhaawacyo weli yaalla Deegaanka uu ku yaallo Hotelkaasi, waxaana aad u adag in loo gurmado dadka ku xaniban dhismayaasha u dhow Hotelka.
Xabbado wiifto ayaana la maqli karaa, sida ay sheegeen qaar ka mid ah Dadka Deegaanka oo la hadlay Radio Dalsan.
Qoysas badan ayaa ka cararay guryahooda oo wada balaqan, sidaa waxaa inoo sheegay Aabe sheegay inuu ilaalo ka hayo gurigiisa oo uu qaraxu burbur u geystay.
Haweeney kale ayaa sheegtay in uu gurigeeda ku soo dhacay Lug go’an oo u muuqda inuu ahaa qof waxyeelo ka soo gaartay Qaraxii Koowaad ee maanta ka dhacay Hotelka Dayax.
Qarixii maanta ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad uga weynaa Qarixii lala beegsaday Hotel Jaziira, wuxuuna Qaraxani burbur lixaad leh u geystay Dhismayaasha ku yaalla nawaaxiga Hotelka.
Waxaana burburay dhismooyin kaabiga ku hayey Laamiga.
Sidoo kale, Qaraxu waxa uu waxyeelo u geystay gaadiid badan oo jidka marayey iyo kuwo yaallay jidka dhinaciisa.
Muuqaalka Guud ee nawaaaxigaasi ayaa saakayto ka bedelan Bilicdii lagu yaqiinay, waxaana maanta ka muuqda burbur baahsan, iyadoo Xarkihii Korantada iyo kuwa Telefoonadda wada go’een.
Qaar ka mid ah Geedihii ku yaalla Waddada ayaa waxaa jaray firirkii Qaraxii Koowaad.
Ciiddanka Ammaanka ayaa isku gedaamay nawaaxiga Hotelka, waxaana la wada xanibay gaadiidkii, marka laga reebo gaadiidka Ambalaaska iyo kuwa Madaxda iyo Ciiddanka.
Dhinaca kale, Koox Weriyayaal u badan Sawir-qaadayaal ayaa ku dhaawacmay Qarixii Labaad ee ka dhashay gaari yiillay agagaarka Hotelka.
Sida aynu ka soo xiganay Weriyayaasheena oo goobta tegay Sawir-qaadayaasha ku dhaawacmay goobtaasi  isugu jiraan kuwo u shaqeeya Warbaahinadda Caalamiga iyo kuwa u shaqeeya Telefishinadda ku hadla Afka Soomaaliga.
Qeybo badan oo ka mid ah Hotelka Dayax ayaa la sheegay inuu ku burburay Qaraxii Koowaad ee lagu dhuftay Wejiga Hore ee laga galo Hotelkaasi.
 ©Radio Dalsan