Ugu yaraan 2 qof ayaa la dilay, 14 kalena wey ku dhaawacmeen Toogasho ka dhacday Degmadda Greektown  ee magaalladda Toronto ee dalka Kanada.
Ninka weerarka geystay ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay dad ku sugnaa Waddo aad mashquul u ahayd, halkaasi oo uu ku dilay Haweeney, kuna dhaawacay ugu yaraan 14-kale.
Dadka la dhaawacay waxaa ku jirtay gabar yar oo 8-jir ah, taasi oo xaalladeeda laga dayrinayo.
Boliska Toronto waxay Twitter-kooda soo dhigeen in la dilay Dableygii hubeysnaa ee Toogashadda geystay, kadib, markii ay Ciiddanka is-weydaarsadeen rasaas.
Wararku waxay sheegayaan inay Toogashada halkaasi ka bilaabantay abaarihii 2-dii habeenimo ee saqdii dhexe ee Xilliga Kanada, sida lagu qoray Shabakadda Wararka ee CityNews.
Deegaanka ay toogashadda ka dhacay waxaa ku yaalla Baarar caan ah, Dukuuman iyo goobaha laga qaxweeyo.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay maqleen dhawaqa 25 xabbadood
Toogashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan fal-dembiyeedyadda dilalka, waxaana Toronto la geeyey 200 Askar bishan July 20-da, si ay wax uga qabtaan Toogashadda ay Kooxaha Daroogadda iibiya ka geystaan gudaha iyo daafaha Toronto.
Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Toronto, Mark Saunders  ayaa sheegay inay eegayaan Muuqaalladda CTV duubeen oo ku aadan Toogashadaasi o osi gaar ah loola beegsaday Baar Weyn oo laga cunteeyo.
Boliska Toronto waxay baahiyeen Muuqaalka Ninka lala xiriirinayo Toogashadaasasi, iyadoo Muuqaalladda muujinayaan isagoo qori kala soo baxayo Shandad uu watay, kadib uu toogasho kula dhaqaaqay dadkii ku sugnaa goobta,
Si kastaba ha ahaatee, dhimashadda ka dhalata dagaal hubeysan ee ka dhaca Toronto ayaa la sheegay inay 53% korodhay marka loo eego sannadkii hore.
Xog ay Boliska soo saareen isbuucii hore waxay muujisay in tirada Toogashadda korodhay 13%.