Shirkaasi oo socon doona muddo 3 maalmood waxaa ka qeyb galayo Wafuud ka kala socota Madaxda Warfaafinta ee Maamul-gobaleedyadda iyo Hay’addaha Warbahainadda Madaxa Bannaan.
Wasiirka Warfaafinta ee XFS iyo dhigiisa qaar ka mid ah Dowlad-gobaleedyadda ayaana ka hadlay Furitaanka Shirkaasi, iyagoo sheegay inay ku faraxsan yahay in si saraaxad leh looga doodo Dib-u-eegista Xeerka Saxaafadda Qarnka, oo ay Suxufiyiinta ka keeneen cabasho buuxda.
Wasiirka Warfaafinta ee XFS, Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisow†ayaa sheegay inay DFS diyaar u tahay in lafagur lagu sameeyo Xeerkaasi, lagana dhigo Xeer Saxaafdeed ay ku wada qanacsan yihiin Suxufiyiinta Soomaalida.
Xeerka Saxaafadda Qaranka oo uu Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud saxiixay ayaan ahayn mid si buuxda u damaanad-qaadaya Xuquuqda Saxaaadda, mana aha mid la heer ah Xeerarka Saxaafadda ee Caalamka.
©Radio Dalsan
Â