Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa Maalintii labaad ka socda shirweynaha dib u hehsiisinta iyo hanaanka qaran kaas oo shalay ka furmay Hotelka City Palaza ee Magaalada Muqdisho.
Shirkaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaarada Arimaha gudaha Dowladda Soomaaliya,waxana ka qeybgalaya Wasiirada Arimaha Dib u heshiinta iyo arimaha gudaha ee Maamulada dalka ka jira iyo waliba sidoo kale Odayaasha Dhaqanka Culama’udiinka Soomaaliyeed iyo sidoo kale bulshada qeybaheeda kala duwan.
Wajiga labaad ee Shirka maanta ayaa waxaa lagu soo bandhigay daraasad ay sameeyeen khubaro ku xeeldheer arimaha nabada taas oo in badan laga dooday.
Su’aalo dhowr ah ayaa la weeydinayay khuburada daraasada sameeyay iyagoona isla goobta uga jawaabayay ka qeybgalyasha su’aalaha weeydiinayay.
Dadka ka qeybgalaya Shirka ayaa dhamaantood waxa ay sheegeen in Shacabka Soomaaliyeed ay heysato dhibaato ka dhalatay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay iyagoo soo bandhigayay sida uu wanasgan ee looga gudbi karo.
Shirkaan Dib u heshiisinta ee shalay ka furmay Muqdisho ayaa loo qorshooyay in uu socdo mudo 5 Maalin ah iyadoo la soo gaba gabeyn doono Maalinta Sabtida ah ee soo socota kuna beegan 17 Bishaan.
Sawiro