Shirkaan oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka kala socotay maamulada Puntland iyo Galmudug kaas oo looga hadlayay dagaaladii ka dhacay Gobolka Mudug.
Intii uu shirkaasi socday ayaa waxaa si aad ah looga dooday in lagu dadaalo in markale dagaaladaas aysan soo laaban,islamarkaana laga tigtoonaado waxyaabaha soo celin kara dagaaladaas.
Masuuliyiintii ka kala socotay Galmudug iyo Puntland ayaa isku raacay in halkaan laga sii wado kulmada joogtada ah ee lagu xalinaayo dagaal beeleedyada soo laab laabtay.
Warar kii ugu dambeeyy ee na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta sidoo kale isla Gaalkacyo lagu qaban doono kulamo kale ku waas oo daba jooga kuwii horay u dhacay.
Sawiro