Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Xsaan Cali Kheyre waxa uu Kulan Khaas ah la yeeshay, Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira, Taliyaha Ciiddanka AMISOM, Jeneral Cismaan Subagle.
Mas’uuliyiinta waxay ka wada hadleen Xaalladda Ammaanka Somalia iyo Dardar-gelinta Hawlgalka AMISOM ee La-dgaalanka Alshabaab.
Kulankaasi oo ka dhacay Xarunta AMISOM ee Xeradda Xalane, waxa uu RW Kheyre ku booriyey Madaxda AMISOM in la xoojiyo Ammaanka Guud, lana xoojiyo Wada-shaqeynta ay la leeyihiin Dowladda Federalka.
Kulankaasi aaya ku soo beegmay, iyadoo Hawlgalka AMISOM dhawaan u dabaal degeen Sannad-guuradoodii 10-aad muddada ay ku sugan yihiin Somalia.
AMISOM iyo kuwa Soomaalida.
©Radio Dalsan