Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gelinkii dambe ee maanta ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Bole International Airport ee magaalladda Addis Abeba.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa Garoonka si diiran ugu soo dhaweeyey Raรขโฌโขisul-wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn, Wasiiro iyo Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Ethiopiaรย iyo qaar ka mid ah Jaalliyadda Soomaalida ku nool Addis รย Abeba.
Madaxweyne Farmaajo oo booqasho 2 cisho ku joogi doona Addis Abeba, waxa uu la kulmi doonaa dhigiisa dalkaasi, Mulato Tshome iyo RW Haile Mariam.
Waa Booqashadii 1-aad ee uu Farmaajo isagoo Madaxweyne ah ku tago Addis Abeba, inkastoo xilligii uu ahaa Raรขโฌโขisul-wasaarihii Dowladda KMG uu รย booqday bishii December ee sannadkii 2010-kii.
รยฉRadio Dalsan