Askarta Yuhuudda ayaa la sheegay inay nInkaasi ku toogteen meel ku dhow Masjidka Ibrahimi ee Degmadda Al-khaliil ee Koonfurta Daanta Galbeed.
Hadal ka soo baxay Askarta Yuhuudda waxay ku sheegeen inuu ninkaasi doonayey inuu Cagaf-cagaf jiirsiiyo Askar  Yuhuud ah oo joogtay Bar Kontorool, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Dadka Deegaanka waxay magaca Marxuumkaasi ku sheegeen Raami Waxiid Xsaan Sabarna  oo 35-jir ah, kaasi oo ka shaqeynayey dhismo ku yaalla qeybta gabowday ee Alkhaliil.
Askarta Yuhuudda waxay shilkaasi kadib xireen Waalidiinta Mrxuumka ay dileen.
Waa qofkii Labaad oo Falastiini ah oo ay Yuhuudda dilaan 48-kii saacadood ee la soo dhaafay.
Shalay ayey Askarta Yuhuudda dileen Kalkaaliso Caafimaad oo la oran jirey RAZAAN ASHRAF AL-NAJAR oo 22-jir ahayd.