Afhayeenka Ciiddanka Boliska Xuduudaha ee dalka Sacuudiga, Kolonel Saxar Bin Maxamed Al-xarbi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Xashiishkii ugu badnaa oo bishan laga soo gudbin lahaa Goballadda Koonfureed ee dalkaasi.
Waxa uu intaasi ku daray in ay qabteen 40 Eedeysanayaal, kuwaasi oo doonayey inay si qarsoodi ah 646 Kiilogaran oo Xashiish iyo Daroogo kale ka soo gudbiyaan Dhulka Buuraleyda ee Xuduudka Sacuudiga la wadaago dalka Yemen.
Afhayeenka Ciiddanka Boliska Xuduudaha ee dalka Sacuudiga, Kolonel Saxar Bin Maxamed Al-xarbi waxa uu tilmaamay in Eedeysanayaasha lagu qabtay Maan-dooriyayaashaasi kala yihiin:Â 23 Ethiopian, 2 Soomaali ah ,9 Yemeniyiin ah, 4 Sacuudiyiin ah iyo 2 aan la sheegin Dhalashadooda.
Eedeysanayaasha ayaa la sheegay in loo gudbinayo Maxkamadda, si loogu qaado Tallaabo Sharci ah oo ku aadan Fal-dembiyeedka lagu helay, iyadoo dalka Sacuudiga mamnuuc ka yahay nooc kasta oo Maan-dooriye ah.